The power to settle financial complaints.
qormadaan ku jirta buug-yaraha macaamiisheena waxaa loogu talo galay in laga akhristo shaashadda. Halkii ay ku habboon tahay, waxaa meheradaha looga baahan yahay inay siiyaan macaamiishooda nuqulka adag ee rasmiga ah ee buug-yarahaan (ma ahan daabacaad lagala soo baxay boggaan internetka ah).
macaamiishu qayb la daabacay waxay ka heli karaan tilfoonka ah 0300 123 9 123.
ganacsiyadu waxay ka soo dalban karaan xaashida saad siinta annaga markii ay u doonayaan macaamiishooda.
Waxaan ku soo saari karnaa daabacaadaheenna farta indhooleyaashu wax ku bartaan, daabacaadda farta waaweyn ama cajalad duuban.
Macluumaadka waxaa sidoo kale lagu heli karaa luqado kale oo fara badan.
Xaashida warsidka noo ah ee macaamiisha loogu talo galay waxaa lagu heli karaa akhris fudud qaab ah (qaab qoraal ah oo la adeegsan karo).
Haddii aad ka shakisan tahay in shirkaddu aysan raacayn qaanuunka u degsan, la soo xiriir khadka macaamiisha FSA oo ah 0845 606 1234.
Garsooruhu wuxuu leeyahay awoodo rasmi ah oo uu ku xalliyo cabashooyinka u dhexeeya adiga iyo hay’adda ganacsi ee aadan hawsheeda ku qanacsaneyn.
Waxaan eegnaa xaqiiqooyinka jira, su’aalo weydiin sameynaa isla markaana go’aan ka gaadhnaa wixii dhab ka ah kiiska shakhsi kasta uu wato.
Haddii ay nala noqoto in hay’adda ganacsi kuula dhaqantay si caddaalad ah, waxaannu kuu sheegi doonnaa sababta ay ku dhacday. Laakiin haddii aan isku raacno in hay’addu wax khaldan ay sameysay, waxaan ku amri kareynaa inay isi saxaan.
Adeeggayagu waa u bilaash isticmaaleyaasha adeegga.
Xaashidaan warsidka ahi waxay kuu sheegaysaa waxyaabo badan oo ku saabsan garsooraha iyo sida aan u isticmaalno awoodahayaga si aan ugu xallino cabashooyinka xagga dhaqaalaha ah.
Sanad walba waxaa nala soo xiriira in ka badan malyuun qof oo ka cabanaya dhibaatooyin dhaqaale oo ku lug leh:
Haddii aadan hubin in aan kaa caawin karno dhibaatada ku haysata ee gaarka kuu ah, nala soo xiriir uun isla markaana wax na weydiiya. Naga soo waca taleefanka ah 0300 123 9 123.
Haddii aad ka walaacsan tahay qiimaha ku baxaya soo wicitaankayaga, annagaa ku faraxsan inaan dib kuu soo wacnee na soo wac.
Ka hor intaynaan dhibaatadaada guda gelin, isku day inaad adiga laftaadu xal kala gaadho hay’adda aadan hawsheeda ku qanacsaneyn.
Haddii ay kugu adkaato taas qabashadeedu, ama shaki kaaga jiro wax uun, fadlan nala soo xidhiidh.
Hay’adda ganacsi siddeed toddobaad ayey u haysataa inay ku xalliyaan cabashda iyaga iyo adiga u dhaxeysa. Haddii sided toddobaad ka dib weli aadan ku qancin sida wax u socdaan, waad na soo weydiisan kartaa inaan soo dhex galno. Waxaan kuu sharrixi doonnaa waxa aad qaban doontid ee xita taas. Naga soo wac taleefanka ah 0300 123 9 123.
Haddii hay’adda ganacsi siddeed toddobaad la siiyay waxna aysan qaban welina aadan ku qanacsaneyn, waad na soo weydiisan kartaa inaan soo dhex galno amuurtaas.
Haddii ay nala noqoto inaan caawin ka geysan karno, waxaan u baahan doonnaa macluumaad badan oo aan kaa helno adiga looguna baahan yahay foomkayaga cabashooyinka.
Waxaan ku weydiin doonnaa:
Haddii aad na soo wacdid innaga, waan kaaga buuxin karnaa qaar ka mid faahfaahinta foomkayaga cabashada.
Ama foomka waxaad kala soo bixi kartaa boggayaga internetka. Soo buuxi ka dibna noo soo dir annaga.
Waan qabatimi karnaa habka aannu kuula xiriirayno adiga, taas oo ku xirnaan doonta baahiyahaaga.
Haddii aad ku doonaysid macluumaadka qaab kan ka duwan sida farta indhooleyaashu wax ku akhriyaan, daabacaad ballaadhan ama cajalad dhageysi – ama luqad tan ka duwan – noo soo sheeg. Sida ugu wanaagsan ayaan kuu caawin doonnaa.
Haddii cabashadaadu tahay mid aan wax ka qaban karno,waxaannu:
Haddii ay nala noqoto in hay’adda ganacsi kuula dhaqantay si caddaalad ah, waxaannu kuu sheegi doonnaa sababta ay ku dhacday.
Haddii ay nala noqoto in hay’adda ganacsi kuula dhaqantay si khaldan isla markaana aad khasaartay, waxaan ku amri karnaa inay arimaha saxaan oo ay ku hagaajiyaan.
Cabashooyinka badankood heerkaan ayaan ku xallinaa. Haddii lagu hallin waayo, Dib ayaan u eegnaa cabashada isla markaana waxaan kuu sheegi doonnaa go’aankayaga kama dambaysta ah.
Taa macnaheeduna ma ahan inaad iska aqbashid go’aankayaga oo waxaad xor u tahay inaad maxkamad aaddid halkii aad nooga imaan lahayd. Laakiin kuma siin karno talo bixin xagga sharciga ah oo ku saabsan waxyaabaha lagaaga baahan yahay maxkamadaha iyo wixii xakamayn ah (tusaale ahaan, xadidnaanta xagga waqtiga ah).
Kiis walba si taxaddar leh ayaan u eegnaa – isla markaana waqtiga ay qaadaneysaa waa kala geddisan yahay. Waxay ku xirnaan kartaa:
Taa macnaheedu waxaa weeye inaan ku xallin karno cabashooyinka qaarkood muddo ku kooban bilo yar. Laakiin qaarkood waxay qaataan sanad wax sii dheer.
Haa. Haddii aad la xallin weydo cabashadaada hay’adda ganacsi baf ahaantaadu, waxaa muhiim ah inaad noogu keentid annaga sida ugu dhakhsaha badan ee macquulka ah. Waxaad u haysataa taas ilaa lix bilood inaad ku keentid.
Xaddidaadyo kale oo xagga waqtiga ah ayaa sidoo kale jiri kara haddii:
Qof kale waa kuu metali karaa cabashadaada – tusaale ahaan, xubin qoyskaaga ka tirsan, saaxiib ama Hay’adda Talo Siinta Muwaadinka. Laakiin weli waxaan kaaga baahan doonaa inaad saxiix ku dhufatid foomkayaga cabashada si ay noogu suurta gasho inaan ku hawl galno.
Maya. Uma baahnid caawimo takhasusle – tusaale ahaan, garyaqaanka ganacsiga ama shirkad maareynta cabashooyinka ah. Waxaan eegnaa xaqiiqooyinka aan ka helno cabasho walba – mana raacno sida wanaagsan ee aad u soo gudbinayso kiiskaaga. Waxaan door bidnaa inaan kaa maqalno adiga qawlkaaga.
Haddii aad ku shaqaaleyso qof inuu kuu metalo adiga cabashadaada, adiga ayaa bixinaya kharajkooda. Taasina waxay la macne tahay in lacag aadan dib u heli doonin aad iska bixinaysid.
Garsooruhu rasmi uma ahan sida maxkamadaha oo kale. Waxaan si guud u xallinaa cabashooyinka ku saleysan macluumaadka adiga iyo hay’adda ganacsi aad nagu siisaan, qoraal ahaanta iyo tilfoon soo dirista. Waxaan ku xallinaa cabashooyinka innagoon u baahan in la yeesho kulammo weji-ka-weji ah.
Adeeggayagu kuma kaafin karo haddii cabashaadu gaadho lacag ka badan £100,000 (£150,000 cabashooyinka na soo gaara laga bilaabo 1 Janaayo 2012) – waa taas taan u sheegi karno in hay’adda ganacsi iska bixiso. Waxaad sidoo kale haddii aad door bidaysid geysan kartaa cabashadaada maxkamad haddii aad doonayso in:
Sida caadiga ah kama hawl geli doonno cabasho horay ay u gashay maxkamadi (ama ficil maxkamdeed sugeysa inuu ku dhaco).
Haa. Waan eegnaa inta badan cabashooyinka ka yimaada meheradaha aadka u yar yar – haddii ay leeyihiin:
Maya. Taasi waa shaqada jaan-gooyeyaasha, sida Hay’adda Adeegyada Dhaqaale (FSA) iyo Xafiiska Ganacsiga Daacadnimada ah (OFT), inay qorto hadana hubiso in meheraduhu sharciga raacaan.
Shaqadayadu waa inaan xallino cabashooyinka shakhsiga ah ee u dhexeeya meheradaha bixiya adeegyada dhaqaale iyo macaamiishooda.
Xaashida warsidka ahi waa tusmo guud oo qudha. Qawaaniinta aannu raacnaa waxay noqon karaan kuwa adag.
Haddii aad na weydiisatid inaan cabashada eegno, waxaan kuu sheegi doonnaa wixii qawaaniin ah ama xakamaynno ah oo ku imaan kara kiiskaaga.
Waxaan had iyo goor ku siin doonnaa fursad aad aad nagu weydiisan kartid wixii aadan fahmin ama waafaqsaneyn.